Bismillaah & Alxamdulillaah
Waa ii farxad caawa inaan idinla wadaago dhammaystirka mashruuc aan wakhti badan, fikir iyo tamar badan geliyay โ Portfolio-gayga cusub! ๐ฅณ
Portfolio-gan oo markii hore ku dhisnaa React, waxaan go'aansaday inaan u wareejiyo Next.js si aan u horumariyo Performance-ga, u xoojiyo SEO-giisa, uguna beddelo mashruuc Full-Stack ah oo dhammaystiran.
Runtii howl fudud ma ahayn. Wuuxuu ahaaa safar ay ka buuxeen:
* Caqabado badan xalintood ๐ง
* cillado badan saaristood ๐ ๏ธ
* casharro badan raacashadood ๐
* culuum badan kasbashadood โจ
* camallo kale cidlayntood
* Agents/(AI) badan isticmaalkood
* xogo badan raadintood
* maqaallo badan akhrintood
* Wakhti badan Huridiis, iwm.
* kadib, maanta ayaan halkan soo gaaray ๐
Laakiin Alxamdulillaah, dadaal dheer kaddib maanta waxaan taaganahay halkan anigoo ku faraxsan natiijada.
Maxaa ku cusub Portfolio-ga? ๐ค
Waa isku-darka Portfolio aan ku soo bandhigayo shaqooyinkayga, xirfadahayga, iwn. iyo Blog dhammaystiran. Blog-ga waxaan kusoo gudbin doonaa aqoon iyo xogo ku saabsan:
* Technology-ga & Internet-ka (Si Guud ahaaneed) ๐
* Web Development (Gaar ahaan) ๐ป
Ujeedku waa in qof walba oo danaynaya uu ka faa'iidaysto.
Technology-yada aan adeegsaday: ๐ค
* Next.js 15: (Full-stack Development)
* React 19 & TypeScript: (Aasaaska iyo qaab-dhismeedka)
* Tailwind CSS v4: (Styling-ka)
* GSAP & Framer Motion: (Animations soo jiidasho leh โจ)
* Three.js: (3D Models cajiib ah ๐ง)
* MongoDB & Prisma: (Database-ka iyo xiriirintiisa)
* Next-Auth: (Authentication & maareynta isticmaaleyaasha ๐)
* Tiptap Editor: (Qoraal-diyaariye casri ah)
* Pinata: (Kaydinta files-ka โ๏ธ)
* EmailJS: (for direct communication ๐ง)
Mahad oo dhan Alle ayaa iska leh.
Aad ayaan ugu farxi lahaa haddii aad soo tijaabiso oo aad ila wadaagto aragtidaada iyo talooyinkaaga. Fikirkaagu waa ii muhiim! ๐
๐ Link-ga Portfolio-ga: https://hobaydi.vercel.app
Mahadsanid! ๐